Madaxweynaha Somaliland oo Daahfuray Mashruuc ku Wajahan faa’iidada iyo Daryeelka Caanaha Xoolaha {DHAGAYSO}
Hargaysa 25.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta ka qayb galay xaflad balaadhan oo loo sameeyay daahfurka Faa’iidada iyo daryeelka Caanaha Xoolaha taas oo lagu qabtay huteel Maansoor ee Magaalada Hargaysa .
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo khudbad kooban halkaasi ka soo jeediyay ayaa tilmaamay in Mashruucani uu faa’iido balaadhan ugu fadhiyo Ummada Somaliland .
Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyay sida ay waajibka u tahay in looga faa’iidaysto mashruucan wax ku oolka ah oo qayb weyn ka qaadan doona horumarinta caanaha xoolaha ,Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu hambalyo u diray Ururka Midowga Yurub,Hay’ada FAO iyo Cid kasta oo kaalin ka qaadatay hirgalinta Mashruucan.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Madax kala duwan oo ka socotay hay’adaha qaramada Midoobay iyo kuwa samo falka caalamiga ah ee Mashruucan ka qayb qaatay.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso Hadalka Madaxweynaha
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SiilaanyoCaano.mp3″]