Madaxweynaha Somaliland oo Caawa Xilkii Ka Qaaday Hanti Dhawrihii Guud ee Qaranka & Mas’uulkii Bedeli lahaa oo aanu Magacaabin
Hargaysa 02. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto uu xilkii kaga qaaday Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka.
Warsaxaafadeed uu ku Saxeexan Yahay Afhayeenka Madaxtooyadda Xuseen Aadan Cige Dayr ayaa lagu Sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu Go’aansaday inuu Xilka ka qaado Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Mudane, Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud Dheere) Waxaanu Madaxweynuhu Qoraalkan ku Yidhi :-
Mudane,
Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.
Haddaba, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaas, waxaanad ku wareejin doontaa Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, oo si ku meel-gaadh ah u sii hayn doona, inta aan u soo magacaabayo mas’uul ku habboon xilka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka,ayuu Madaxweynuhu ku yidhi Qoraalkan ka soo baxay Qasriga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland.