Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo Maanta Magacaabay Afar Agaasime oo ka Mid ah Hay’adaha Dawladda
Hargaysa 13. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-22/012018, uu ku magacaabay Afar Agaasime.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (kh);
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey:
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
Tir | Magaca | Xilka |
1. | Aadan Cabdillaahi Cabdulle Nuur | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta |
2. | Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska |
3. | Axmed Abokor Maxamed Yuusuf | Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga |
4. | Xamda Daahir Afqarshe Ismaaciil | Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta HIV/AID |
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland