Madaxweynaha Somalia oo u Baqoolay Dalka Maraykanka,Xili uu Raysal Wasaarihiina Waddanka ka Maqan yahay
Muqdisho 22.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowladda federaalka ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu magaalada New York uga qeyb-galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu halkaas ka jeediyo khubad uu uga hadlayo horumarrada ay dowladdiisa ka sameyneyso gudaha dalka iyo howlaha hadda hor yaalla.
Waxaa lagu wadaa inuu New York kula kulmo madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadli doona khilaafka xadka badda ee labada dal u dhaxeeya
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com