|

Warbixin lagu laalay tii kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobay iyo dareenka Madaxweynaha Somalia

Muqdisho 06.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay warbixin ay soo saareen hay’adda ugu sarreysa arrimaha baaritaanka dambiyada xisaabaadka iyo koox garyaqaanno ah, taas oo lagu laalayo warbixintii ay ka qortay Soomaaliya iyo Eritrea kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunaqabateyta hubka ee saaran Soomaaliya.

Xasan-Sheekh-III-300x200Madaxweynaha ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo warbixinta, isla markaana uu dalbanayo in la sameeyo baaritaan dheeri ah si loo helo caddeymo buuxo.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ay hay’adaha raaceen habka xaqiiqa raadinta ah ee Qaramada Midoobay u degsan iyo nidaamka caalamiga ah ee loo maro baarista, dabagalka iyo wareysiyada.

Warbixinta ayaa looga codsaday Qaramada Midoobay inay baaritaan ku samayso warbixintii kooxda dabagalka cunnaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed