|

Madaxweynaha Somalia Oo Si Kulul Uga Hadlay Colaadda iyo Dagaalada Ka Socda Deegaano ka Mid ah Somalia

Muqdisho:17-Dec-2013(SDN)-Madaxweynaha Dawladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka markii ugu horraysay kaga hadlay Colaadda lagu hoobtay ee Beelaha walaalaha ah ku dhex maraysa Deegaano ku yaalla Shabeelaha Hoose.

xasanigaMadaxweynaha oo ay wajigiisa ka muuqatay cadho aad u faro badani xilligii uu hadlayey, ayaa ugu horrayn tacsiyeeyey dadkii Halkaas ku dhintay, waxana uu ku baaqay in colaadda si deg deg ah loo so oaf jaro, “Waxaan marka hore tacsi u direynaa dhammaan shacabkii ay waxyeeladu ka soo gaartay dagaalada Waxaa nasiib daro ah in deegaanada qaarkood ay dagaalo sokeeyo ka dhacaan, gaar ahaan deegaanada gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waana in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaalada iyo collaaadaha, lana qaataa nabadda ay dowladdu hormuudka ka tahay. Waxaa jira kooxo ka faa’iideysanaya collaadaha oo sii hurinaya, ujeedadooduna ay tahay in la wiiqo horumarka nabadeynta ee dowlad dhisidda.” Ayuu yidhi madaxweynuhu.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay dowladdu uga xuntahay dagaallo soo noq-noqda oo dhiig ku daata, waxuuna yidhi “Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin, waxeyna fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Qaswadayaashana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xidhnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in cid kasta oo is hortaagta joojinta iyo daminta colaadaha tallaabo adag laga qaadi doono oo aan la saamixi doonin, waxana uu yidhi, “Dowladda waxaa ka go’an in si deg-deg ah ay u joojiso dagaalada iyo collaadaha, isla markaana cid allaale iyo cidii is hortaagta nabadeyntana laga qaadi doono tallaabo cad cad oo sharciga waafaqsan. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in khilaaf kasta oo jira lagu xaliyo si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin ah.”

Madaxweynaha ayaa u diray baaq Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaalada iyo collaadaha oo ay dowladda kala shaqeeyaan nabadeynta, fududeynta wadahadalka iyo dib-u-heshiisinta ka socota deegaanada dagaaladu ka dhaceen.

 

 

Madaxweynuhu ma uu sheegin wax tallaabo toos ah oo ay  xukuumaddiisu qaadi doonto si ay colaadda u joojiso, waxase uu dhammaan shacabka somaliyeed ugu baaqay inay gacmaha isu qabsadaan sidii loo dhamayn lahaa wax kasta oo caqabad ku ah  nabadda iyo deganaanshaha deegaanada collaaddu ka socoto.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed