Madaxweynaha Somalia oo Safiirka Ruushka ka Guddoomay Warqadihii Aqoonsiga
Muqdisho (QJ/SDN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta warqadihii Aqoonsiga kaga guddoomay safiirka cusub ee waddanka Ruushka, ahna wakiilka dalka Ruushka ee Somalia, Mr Sergey Kuznetsov.
Xasan Sheekh ayaa kulankaas ka sheegay, in Somalia ay gacmo furan kusoo dhaweyneyso danjire Kuznetsov, isla markaana ay si buuxda ula shaqeyn doonto, inta uu howlaha shaqo u joogo Soomaaliya.
“Dowladda Federaalka Somalia way soo dhoweyneysaa tallaabadan ay dalka Ruushka dib ugu soo nooleyneyso xiriirka ay Soomaaliya la leedahay, Waxaana filayaa inaan Ruushka iska kaashanayaan; kaabeyaasha dhaqaalaha, macdanta, waxbarashada, dhaqanka iyo inay xukuummada Moscow gacan ka geysato dib u dhiska Somalia,’’ ayuu yiri Madaxweynaha Somalia.
Sidoo kale, Danjiraha Ruushka ee Somalia, Sergey Kuznetsov ayaa dhankiisa wuxuu xusay inuu si weyn u daneynayo xoojinta xiriirka labada dal, shirkadaha ganacsiga ee Ruushka ay u yihiin diyaar inay maalgashadaan kana qeyb qaataan dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya.
Wuxuu safiirku intaas ku daray inuu soo dhaweynayo horumarka Siyaasadaha, Amniga iyo xasiloonida ay Somalia ku tallaabsanayso. Iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu danjiraha ka codsadey inuu salaam ka gaarsiiyo hogaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin.
Ugu dambeyn, Xafladda waxaa goob-joog ka ahaa; Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda, Axmed Cali Kediye, Wasiirk Ku-Xigeenka Gaashaandhiga Somalia, iyo mas’uuliyiin kale.