|

Madaxweynaha Somalia oo Qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka iyo Qodobo ay ka wada hadleen

Muqdisho 14.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta  xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika Linda Thomas-Greenfeild iyo wafdi ay hoggaamineyso.

Xasan SheekhMadaxweyne Xasan ayaa uga mahad-celiyay Linda Thomas-Greenfiild booqashada ay ku timid Soomaaliya, isagoo sheegay in booqashadeeda ay tahay mid taariikhi ah oo astaan xooggan u ah xaaladda ka soo wanaagsanaaneysa ee Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay xiriirka labada dal, nabadgeliyada, dib-u- heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha dib-u-habeynta garsoorka iyo u diyaargarowga doorasho dalka ka dhacda sanadka 2016.

Madaxweyne Xasan ayaa uga mahad-celiyay dowladda Mareykanka taageerida joogtada ah ee uu u fidiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si dhibka looga baxo.

Madaxweyne Xasan ayaa dowladda Mareykanka iyo beesha caalamka ka codsaday in ay labo jibbaaraan taageerada ay u fidinayaan dowladda Soomaaliya si loo tayeeyo awoodda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, oo uu sheegay in ay tahay tallaabada keliya ee lagu cirribi-tirikaro maleeshiyada Alshabaab.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed