Madaxweynaha Somalia oo ka Hadlay Maxsuulkii Shir Madaxeedkii Midowga Africa
Muqdisho 02.Feb 2014 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka war bixiyay shir madaxeedkii Midowga Afrika ee uu uga qeyb-galay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirka looga hadlay arrimo khuseeya siyaasadda iyo horumarinta qaaradda Afrika.
Madaxweynaha ayaa xusay intii uu joogay Addis Ababa in uu kulamo la yeeshay madax ka socota waddamo ka tirsan caalamka, isaga sheegay inuu kala hadlay arrimaha kala dhexeeya Soomaaliya iyo cilaaqaadka ka dhexeeya Soomaaliya iyo madaxda dalalka uu kulamada gaarka ah la yeeshay.
Shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha Afrika ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa ayaa ahaa shirkii 22-aad ee ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Ururka Midowga Afrika.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com