|

Madaxweynaha Somalia Oo Goor Dhaweyd Dalka Imaaraadka ugu Baqoolay Aaska Xubin Boqortooyada Katirsan Oo Dhawaan Geeriyootay

Muqdisho:Sep,21,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goor dhow u ambabaxay dalka isu taga Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kaga qeyb galayo aaska Sheekh Rashid bin Mohammed bin Rashid Al Maktoumwiil oo ah wiil uu dhalay Amiirka maamula Dubai isla markaana ah Madaxweyne ku xigeen iyo waliba Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Carabta.

khaloShirka wada tashiga ayaan u hakan safarka Madaxweynaha uu ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta, waxaana shir-gudoominaya Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Sidoo kale Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna shalay u ambabaxay dalka Boqortooyada Sacuudiga Carabiya, halkaasoo uu ku soo gudanayo waajibaadka Xajka.

Warar aanu heleyno ayaa sheegaya in shirka la soo gaba gabeyn doono gelinka dambe ee maanta lagana soo saari doono war murtiyeed, waxaana hada lagu howlan yahay diyaarinta war murtiyeedka.

Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo shalay isaga baxay shirka ayaa lagu qanciyay inay ku soo laabtaan, iyagoo goob joog ka noqon doona shirka maanta.

Maamuladan ayaa wali qaba tabashooyin ku aadan qaabka dowladda wax u wado, sida dhismihii Guddiyadii madax banaan iyo dhismaha Galmudug oo ay ku doodayaan in aanu dastuurka waafaqsaneyn.

Xubnaha Beesha Caalamka ee ka qeyb galaya wada hadalada ayaa ku cadaadinaya madaxda Soomaaliya inay gaadhaan is fahami keeni kara in hore loogu socdo arrimaha Hiigsiga sanadka 2016.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed