Madaxweynaha Somalia oo furay shir qaran oo diinta ku saabsan,Kana Hadlay Musuq Maasuqa
Muqdisho 07.Sep 2013 (SDN)-Madaxweynah Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furay shir qaran oo looga hadlayo diinta, kaas oo ay ka qeyb-galayaan culumaa’uddiinka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada shirweynaha culumaa’uddiinka, Daahir Maxamed Geelle ayaa furitaanka shirk aka sheegay in shirka uu socon doono muddo hal toddobaad ah, laguna falanqeyn doono arrimo ay ka mid yihiin sidii culumada ay go’aan mideysan uga qaadan lahaayeen dhibaateynta lagu geysto magaca diinta.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo xubin ka ah hay’adda culumada Soomaaliyeed iyo afhayeenka golaha sare ee Ahlu Sunna, Sheekh Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Soomow oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa u mahadceliyay dowladda Soomaaliya iyo hay’adda culumada oo si wada jir ah u soo qabanqaabiyay shirweynaha.
Guddoomiyaha hay’adda culumada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in fikradda ka dambeysay qabashada shirka ay leeyihiin culumada Soomaaliyeed, balse dowladdu ay gacan ka geysaneyso qabsoomiddiisa.
Geesta kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay sheegay inay dowladdiisa ka go’an tahay inay tallaabo adag ka qaaddo cid kasta oo lagu helo musuqmaasuq iyo wax isdaba-marin.
Madaxweynaha oo ka hadlayay kulan casho sharaf ah oo madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho loogu sameeyay ka qeyb galayaashii shirkii qaran ee geeddi-socodka siyaasadda ayaa sheegay in khubarro caalami ah ay baaritaan sameeyeen inuu dalka musuqmaasuq ka jiro iyo in kale.
Wuxuu wax lagu farxo ku tilmaamay in shaqaalaha Bankiga Dhexe iyo hay’adaha maaliyadda ee Soomaaliya lagu waayay eedeymo la xiriiray musuqmaasuq oo ay u soo jeedisay hay’adda dabagalka ee Qaramada Midoobay.
Madaxweyne Xasan ayaa xusay inaan horumar la gaari karin haddii aanay dalka caddaalad ka jirin.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com