|

Madaxweynaha Somalia Mudane Farmaajo oo Si Kulul uga Hadlay Xayiraada uu Madaxweyne Donald Trump Ku Soo Rogay Lix Dal oo Somalia Ku Jirto & Nooca Talaabo ee uu qaadayo

Muqdisho 08. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somalia oo ka hadlayey shir Jaraa’id oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa dhaleeceeyey go’aanka dhinaca socdaalka ah ee dowlada Maraykanku ku mamnuucday muddo afar bilood ah dadka ka soo jeeda lix dal oo ay Soomaaliya ku jirto.

 

Waxaaa uu sheegay madaxweyne Farmajo iney codsanayaan in xayiraadan si deg deg ah looqga qaado Soomaalida maadaama dad badan oo Soomaali ah ay ku nool yihiin wadanka Maraykanka.

 

“Waxaan door bidayaa in xayiraadan la qaado, waxaan xiriir la sameyn doonaa dowladda Maraykanka” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Madaxweynaha Somalia in wadanka Maraykanka ay ku nool yihiin bulsho badan oo Soomaaliyeed kuwaasoo uu saameyn karo go’aankan maadaama ehelo badan ay ka joogaan Somalia.

 

“Waxaa qof kasta ogyahay in Maraykanka ay ku nool yihiin bulsho badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo siyaabo kala duwan gacan uga geysta dhaqaalaha Maraykanka, waana inaan qiimeynaa kaalintaas intii la eegi lahaa dad yar oo ay dhici karto iney dhibaato geystaan” ayuu yiri Farmaajo oo isaga laftiisa ka mid ahaa Soomaalida ku nool Maraykanka.

 

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wuxuu hadalkaasi sheegay ka dib kulan uu Muqdisho kula yeeshay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey Antonio Guterres oo shalay halkaas booqday.

Comments are closed