Madaxweynaha Somalia Mr Farmaajo oo Kulan Xasaasi ah La Qaatay Amiirka Imaarada Abu Dhabi & Arrimaha ay ka Wada Xaajoodeen SAWIRO
Dubai 11. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dowlada Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo booqasho ku jooga dalka Imaaraatka carabta ee Midoobay ayaa kulan la qaatay Shiikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan oo ah dhaxal sugaha Imaarada Abu Dhabi ahna abaanduulaha ciidamada milateriga dalkaas.
Kulankan oo ka dhacay qasriga Al-baxr ee Magaalada Abu Dubai ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab.
Wakaalada wararka ee dalka isutaga Imaaraatka carabta oo baahisay warkan ayaa intaa ku dartay in madaxweyne Farmaajo uu soo bandhigay qorshihiisala xiriira la dagaalanka argagaxisada iyo dedaalka ay dowladiisu ku dooneyso xaqiijinta amaanka dalka.
Farmaajo ayaa dowlada imaaraatka carabta uga mahad celiyey taageerada dhinac walba leh ee ay la garab joogto shacabka Soomaaliyeed iyo mashaaricda ay dalka ka wado.
Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa isna balan-qaaday in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay sii wadi doonto taageeridda walaalaha Soomaaliya, ayna ka caawin doonto dib u dhiska hey’adaha qaran si loo taageero amniga iyo horumarka dalka.
Waxaa uu sidoo kale xusay iney kaalin weyn ka qaadan doonaan gurmadka loo sameynayo dadka ku tabaaloobay abaaraha ka jira Somalia, isagoo shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey inuu ilaahay ka dulqaado dhibaatada.
Masuuliyiin ka tirsan labada dhinac ayaa ka qeyb galay kulankan, waxaana madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa la geeyey masjidka weyn ee Shiikh Zayed bin Suldan Al-Nahyan iyagoo soo siyaartay qabrigisa wuxuuna ahaa asaasihii dowlada imaaraatka Carabta.
Dhinaca Kale Warar Madax bannaan ayaa Sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Amiirka u bandhigay Sida ay dawladiisa aan waxba looga Ogaysiin Saldhiga uu Imaaraadku ka samaysanayo Magaaladda Berbera ee dhex maray Somaliland iyo Imaaraadka iyo Heshiisyada DPW ay kula wareegtay Dekeda Berbera iyo Ta Boosaaso ee Maamul Goboleedka Punt land.
Amiir Zayed Bin Suldan Al Nahyan ayaa dhankiisa sheegay in dawlad kastaa ay iyadu ogtahay Masaaliixdeeda sidaa awgeedna ay Imaaraadku mudo dheer ka fikirayeen Heshiisyada ay la galeen Somaliland.