Madaxweynaha Somalia Farmaajo oo Safar Dhinaca Dhulka ah Ku Tegay Deegaanka Degmada Afgooye DAAWO
Afgooye 09. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo xubno ka tirsan labada Golle ee dowlada Soomaalia ayaa goordhaw safar dhinaca dhulka ah ku gaaray Degmada Afgooye , waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in booqashadiisa Degmada Afhgooye ay salka ku heysay qiimeynta xaaladaha ka jira Degmada Afgooye iyo deegaanada hoostaga, waxa uu sidoo kale Madaxweynaha dhiiro galin u sameenayaa ciidamada amaanka ee jooga gobolka Sh.Hoose.
Degmada Afgooye oo 30 km u jirta magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa weeraro xoogan kusoo qaada dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana marar badan gacan ku heynta degmadaasi saacado kooban la wareegay dagaalyahano katirsan Al Shabaab.