|

Madaxweynaha Shiinaha oo Ka Hadlay 90 Guuradii ka soo Wareegtay Aasaaska Ciidanka Xoraynta Dalkiisa

China 02. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Shiinaha Mr: Jing-pin oo ka hadlay sanad guuradii 90aad ee ka soo wareegtay Aassaaska ciidanka xoraynta dalkiisa ayaa digniin culus u jeediyey cid kasta oo isku dayda in ay faragalin ku samayso dal weynaha Shiinaha iyo Badda ku gadaaman.

Mr: Jing-pin waxa uu intaasi raaciyey in dawlada Shiinuhu qadarinayso dawladaha ay xuduuda wadaagaan, hase yeeshee u dulqaadan mayso cid kasta oo ku hamida in goob dhulweynaha Shiinaha ka mid ah ay la wareegto, isagoo xusay in burbur iyo halaag ay la kulmi doonaan cadawga Shiinuhu.

 

Digniintan ka soo yeedhay madaxweynaha Shiinaha waxa ay ku soo beegantay, iyadoo xiisad cusubi ka aloosantay xuduuda Hindiya iyo dalkiisa u dhaxaysa gaar ahaan dhulka buuralayda ah ee Himilaaya iyo gasiirado yar-yar oo ay ku muran sanyihiin lahaanshahooda dalka Japan.

Comments are closed