“Madaxweynaha Saaxiib Baanu ahayn markaa waxan is idhi bal sanadkaas odaygu haku dhiso, Laakiin Geed Baa laba dible la iigu xidhay,” Muuse Biixi
Hargeysa:Dec,11,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, ayaa ka Hadlay arrimo badan oo ay ugu muhiimsan yihiin Dabarka iyo caqabadihii ku yimi Hankiisii madaxweynenimo ee Bilowgii sanadkan uu bannaanka soo dhigay, balse guuldarraystay.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo u warramayey TV-ga Universal, ayaa sheegay inuu ku qancay in aqlabiyaddii xisbiga Kulmiye kasoo horjeedsatay Muujinta Hankiisii uu isku dayey inuu Muujiyey, taas oo keentay inuu ka tanaasulo rabitaankiisii,
“tartanku wuu iska jiraa madaxweynaha Saaxiibna waanu nahay, markaa waxan is idhi bal sanadkaas odaygu haku dhiso, waxase iga ogolaan waayey Golahayagii dhexe iyo Dadkayagii, dabadeedna Geed Baa laba dibble la iigu xidhay, dee markaa haddii xisbigu ku yidhaahdo joogso waa inaad Joogsataa, dad badan oo itaageersanaa kumay qancin waana ay ka xanaaqeen, laakiin waa khalad oo xisbigu xagga uu u bato ayaa la gaadhaa, markaa sunaha siyaasadda ayaa I faraya in dhanka loo bato aan raaco.” Ayuu yidhi Guddoomiye Muse Biixi.
Muuse Biixi waxa uu jawaab ka Bixiyey su’aal la weydiiyey oo ahayd waxa uu kaga jawaabayo jawaabta uu u hayo dadkii halganka u galay sidii uu Musharrax u noqon lahaa oo haatan aaminsan inuu cidla kaga dhhawaaqay, waxana uu ku jawaabay,
“Maxaan ku Danaystay anigu maan danaysan oo Guddoomiye Xisbi baan ahaa, madaxweynihiina waan idhi waan kula tartamayaa waanuu iga helay, maxay doonayaan kuwa leh Ban buu nagaga tegay xisbigiisii buu ku jiraa, waa kulmiye, Madaxweynihisii buu leeyahay hala doorto, dee marka hore ayaanay qofkaas daacad ka ahayn.”
Waxa sidoo kale uu Guddoomiye Muuse Biixi ka Hadlay dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Xubno kamid ah Golaha Wasiirrada, kuwaas oo qabtay shirar ay ku muujinayaan hankooda la xidhiidha marka ay muddada madaxweyne Siilaanyo dhamaato, waxana uu yidhi,
“qof kasta oo xisbiga ku jiraa xaq buu u leeyahay inuu yidhaahdo waan is sharraxayaa oo Guddoomiyaha igula tartamaya xisbiguun baa na kala saaraya oo sidii la ii edbiyey ayuun baa la isu edbinayaa.”
Guddoomiye Muuse biixi waxa uu sheegay inuu si buuxda u taageersan yahay madaxweynaha dalka, waxana uu ka warwareegay inuu muujiyo is sharraxaadiisa ah kadib marka uu madaxweynuhu dhamaysto Mudadda shanta sano ah ee soo socota haddii uu doorashooyinka ku guulaysto, taas oo la filayo inuu Muuse Safka hore ka geli doono.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com