Madaxweynaha Ruushka oo Socdaal ku Tegay Caasimadda Turkiga ee Ankara & Ujeedada Booqashadiisu la Xidhiidho
Ankara 29. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Ruushka Mr Vladamir Putin ayaa booqasho ku Tagay Caasimada Turkiga ee Ankara, isagoo halkaasi Kulan muhiim ah kula yeelanaya Madaxweynaha dalkaasi Mr Rajab Dayib Erdogan.
Waxa la filayaa in labada Masuul kawada tashadaan Xoojinta xidhiidhka Labada dal ka dhaxeeya iyadoo Turkigu markii u horaysay uu ka Iibsanayo Ruushka gantaalaha Difaaca Cirka iyo xaalada Dagaal ee dalka Suuriya oo la Rajaynaayo in ay soo afjaranto.
Geesta kale Haayada Xuquuqda Dalka Suuriya u dooda ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa ku eedaysay diyaaradaha Ruushka iyo kuwa Suuriya inay ku Dileen todobaadkan dad ilaa 150 qof gaadhaya Gobolka Idlib kuwaasi oo ay ku jiraan dad shicib ahi.