|

Madaxweynaha Ruushka oo sheegay in dalkiisu hubeyn doono Syria hadii la weeraro

Moscow Sept 05,2013(SDN)-Madaxweynaha dawlada Ruushka Vladamir Putin ayaa mar uu saxaafada u waramayayawaxa uu sheegay in aanu aaminan saneyn in xukuumada Syria aaney ka danbeyninweerarkii sunta ahaa ee lagu qaaday duleedka Dimishiq.

Madaxweyne Putin waxa uu sheegay in xoogaga mucaaridku ay ka danbeeyeen weerarkaasi buu yiri si ay dagaalka u so geliyaan Mareykanka.

Mr Putin waxa uu sheegay in dalkiisu siin doono xukuumada Syria hub ay isku difaacdo hadii reer galbeedku dalkaasi ku qaadaan weerar sharci daro ah.

Dalka Ruushka ayaa hore uga iibiyay hub lidka diyaaraduhu ku jiro dalka Syria,hubkaa qaarkii ayaan weli gaarin Syria.

Hadalka madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ku soo beegmaya maalin uu ka hor kulan ay Ruushka ku yeelanayaan dalalka ururka G20.

Kulanka ayaa lagu wadaa in lagu soo qaado arinta dalka Syria ee haatn dunidu isha ku wada heyso.

SDN-Moscow

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed