|

Madaxweynaha Ruushka oo qoraal uu uga hadlayo Xaalada Syria ku daabacay jariirada Mareykanka ugu weyn

NY Sept 12,2013(SDN)-Madaxweynaha Dalka Ruushka Valadamir Puttin ayaa dhanbaal uu uga hadlayo xaalada dalka Syria iyo khudbadii uu madaxweyne Barack Obama uu xalay u jeediyay caamalka.

Madaxweyne Puttin ayaa qoraalkiisan uu ku daabacay The New York Times waxa uu ku soo dhaweeyay dabacsanaanta uu mareykanku ka muujiyay weerar lagu qaado Syria.

Waxaanu amaanay sida Madaxweyne Obaama uu fursada u siiyay qorshaha hub ka dhigida ah ee dawladiisu soo jeedisay.

Madaxweynaha Ruushka ayaase diiday hadal uu madaxweynaha Mareykanku ku sheegay in dalkiisu yahay mid ka wanaagsan dalalka kale ee dunida ayna tahay sababtaasi ta ay tahay in ay uga jawaabaan weerarkii xukuumada Bashar Al Asad ay sunta ugu isticmaashay shacabka.

“Dadka iyo dawladaha dunidu waa qaar ebe isku si iyo sinaan uu ugu abuuray,mana jiro dal iyo dad ka wanaagsan inta kale,hadalka noocaasi ahina waa mid khatartiisa leh”ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne Puttin.

Madaxweyne Puttin ayaa ugu baaqay xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka in kolka uu la kulmayo dhigiisa Ruushka uu niyad furnaan muujiyo oo si taxadar leh u eego fursadaha hor yaala.

Ugu danbeyntiina waxa uu madaxweyne Puttin sheegay in dawladiisu aaney taageeri doonin tilaabo walba oo dagaal lagu qaado Syria ay qeyb ka tahay.

Qodobkaas oo Mareykanku ka carooday maalin uun ka dib kolkii ay soo dhaweeyeen qorshahooda hub ka dhigida Syria.

SDN-NY
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed