Madaxweynaha Ruushka oo Madaxweynenimo u rejeyay Taliyaha Ciidamada Masar
Moscow Feb 14,2014(SDN)-Safar aan noocisa hore loo arag ayaa waxa dalka ruushka ku tegey taliyaha guud ee ciidamada dalka Masar Abdel-Fattah el-Sissi.
Taliyaha ciidamada Masar ayaa waxa uu haatan isu diyaarinayaa in uu ka qeybgalo tartanka doorashooyinka Madaxweynenimo ee dalka Masar.
Safarka ayaa waxa uu sawir ka bixinayaa sida dalalka Carabta ee hore xiriirka dhaw ua lahaa dawlada Mareykanka in ay haatan u digo rogteen dhanka Ruushka.
Madaxweynaha Ruushka Valadimir Putin oo qaabilay Taliyaha Ciidamada ee dalka Masar Abdel-Fattah el-Sissi ayaa waxa uu guul uga rajeeyay tartanka madaxtinimada ee dalka Masar.
Madaxweynaha Ruushka iyo taliyaha ciidamada Masar ayaa saxaafada wadajir ula hadlay kulankooda ka bacdi.
“waan ogahay in goaan adag oo ku saabsan in aad madaxtinimo isu taagto in uu ku horyaalo,guul yaana kuu rajeynayaa”ayuu Putin yiri.
Abdel-Fattah el-Sissi oo isna hadlay ayaa sheegay in ay haatan u taal in uu dalka Masar Xasiliyo dalkana degenaan uu ku soo dabaalo.
Si kastaba ha ahaatee waa marki u horeeysay sanado faro badan dal carbeed masuul ka socda uu booqdo dalka Ruushka.
SDN-Moscow
contact@somalidiasporanews.com