|

Madaxweynaha Puntland Oo Xariga Ka Jaray Wadooyin Laami Ah Oo Laga Hirgeliyay Bosaso

Bosaso Mar 28,2014(SDN)-

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas oo ay weheliyaan qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, gudoonka Gobolka Bari Cabdi-samad Max’ed Gallan, Duqa Degmada Boosaaso Xassan Cabdalla Xasan iyo xubno kale oo muhiim ah ayaa xariga ka jaray wadooyin laami ah oo laga dhisay magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Wadooyinka uu madaxweynuhu xariga ka jaray ayaa kala ahaa jidka Daara Salaam iyo wadada huruuse oo labadaba laga dhigay laami ka dib sanado badan oo aysan habaysnayn waxaana waqtigan si nidaamsan u adeegsan doona gadiidka iyo dadweynaha magaalada.

Duqa degmada Boosaaso Xassan Cabdalla Xassan ayaa madaxweynaha uga xog waramay dhismaha wadooyinkan iyo mudada lagu hir-geliyay , isagoo sheegay inay ku dhiseen mudo kooban,wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay ka shaqeeyaan ilaalinta wadooyinkan cusub.

Xassan Cabdalla Xassan waxa uu sidoo kale sheegay inay gcanta ku hayaan wadooyin kale oo uu ka mid yahay jidka 30-ka, kaasi oo si toos ah u gali doona Madaxtoyada Puntland, isla markaana ay ku dhamays tiri doonaan mudo kooban.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in magalada Bosaso oo ah halbowlaha Ganacsiga Puntland ay yeelato wadooyin laami ah, isagoo bulshada Gobolka Bari ku booriyay inay sii wadaan horu marka ay hiigsanayaan.

Madaxweyne Gaas waxa uu sidoo kale u sheegay mas’uuliyiinta degmada iyo gobolkaba in halgamayaashii u geeriyooday danta Puntland loogu magic daro wadooyinka kale ee la dhisi doono, si aan loo ilaawin waxqabadkii ay u muujiyeen dadkooda iyo dalkoodaba.

Dhanka kale Madaxweyne Gaas waxa uu booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Ciidanka Badda Puntland ee ku taalla magaalada Bosaso, wuxuun halkaasi kula kulmay Safiirka Dowladda Emaradka ee Somalia Max’ed Cusmaan iyagoo yeeshay kulan gaar ah .

Kulanka labada masuul ayay kaga wada hadleen sidii Dowladda Emaradku u xoojin lahayd taageerada ay siiso Puntland, iyo in Ciidanka Badda Puntland kor loo qaado, si looga hor tago khataraha dhinaca badda iyo berigaba.

Ambassador Max’ed Osman ayaa sheegay in Dowladdiisa ay ka go’antahay sidii loo garab istagi lahaa Puntland, loogana caawin lahaa horumarada ay ku tallaabsanayso.

Kulankaas Ka dib Madaxweynha Dowladda Puntland Dr.Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas waxa uu booqasho ku tagay deegaanka Bander-Ziyaada ‘Qow” oo ka tirsan gobolka Bari, wuxuuna halkaasi kula soo hadlay odayaasha iyo dadweynaha deegaankaasi, isagoo u sheegay in Dowladdiisu ku rajo wayntahay sidii horu mar loo gaarsiin lahaa dhamaan shacabka Puntland oo dhan.

SDN-Bosaso

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed