Madaxweynaha Puntland Oo Si Taxader Leh Uga Hadlay Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Ee Ka Socda Gobolka Sool DAAWO
Garowe 05.Sep 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maamul-Gobolleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa ka hadlay Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee ka socda Gobolka Sool ee Somaliland, waxaanu sheegay in Maamulkiisu door-bidayo in Dadka Amnigiisa la ilaaliyo.
Dr. Gaas oo Safar ku jooga Magaalada Jabuuti, ayaa sidoo kale ka warramay Xaaladda Nabadgalyo ee Dhulka Puntland iyo dhibaatooyinka ay Maamulkiisa ku hayaan dhaqdhaqaaqyada Kooxda Al-shabaab.
Madaxweyne Gaas oo u warramay Telefiishanka HCTV, ayaa isagoo ugu horeyn ka hadlaya Amniga Puntland wuxuu yidhi, “Amniga Puntland wuu wanaagsan yahay, Dadka Reer Puntland-na Nabadna way ku seexdaan, Nabadna way ku soo toosaan. Nimankaa Shar-wadayaasha ah ee Al-shabaab ee dhawaana falka Waxashnimada ah ka geystay Gaalkacayo, Buuraha Gal-galana in muddo ah ku dhuumaaleysanayey way jiraan, laakiin Dalka Intiisa kale waa Nabadgalyo.”
Madaxweyne Cabdiweli Gaas, oo la waydiiyey siduu u arko Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee ka socda Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa ku jawaabay, “Annaga waxa Muhiim noo ah rabitaanka Dadka, markaa waxaanu aaminsanahay inaad Dadkaa (Sool, Sanaag iyo Buuhoodle) loo keenin wax Shaqaaqo ah iyo Wax Shiddo ah oo Nabadgalyadooda iyo Xasilloonidoodana la ilaaliyo..”