|

Madaxweynaha Puntland Oo Si Foolxun U Caayay Madaxweynaha Soomaaliya, Kuna Tilmaamay Doqon Aan Dalkiisa Kala Aqoon, + Sababta Karka DAAWO

Garowe 06.Sep 2016 (SDN/QJ):- Madaxweyna Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdi-Wali Maxamed Cali Gaas ayaa weedhihii ugu Qalafsanaa ku weeraray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Waxa uu ku tilmaamay Nacas aan dalkiisa kala aqoon,islamarkaana doonaya inuu mar kale isku soo taago Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ee dambe,Waxa uu hadalkani daba socday Hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku saabsanaa Dhulka ay Puntland maamusho, oo uu ku sheegay laba Gobol iyo badh.
Cabdiwali-Maxamed-Cali-Gaas-iyo-xasan-sheekh-534x338 (2)Waxa uu sidan ka sheegay Magaaladda Kaalkacayo oo uu safar ku tagay,waxaana uu yidhi “Waxaan rabaa anoo fursadan ka faa’iidaysanaya inaan jawaab yar ka bixiyo Hadal Nacasnimo ah oo uu Idaacadaha ka yidhi Madaxweynihii dalku, Xassan Sheekh Maxamuud oo uu lahaa Puntland Waa Laba Gobol Iyo badh,Madaxweynuhu Afar Sanno dalka wuu xukumayay, Dee waxa muuqata inaanu Dalkiisa kala aqoon,Haddana Doorashana waa kujiraa oo Madaxnimo ayuu raadinayaa markaa inuu yidhaahdo Puntland Waa laba Gobol iyo Badh Waxaan u qaatay Macnaheeda in dhul badan oo Puntland ka mid ah uu raaciyay Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose,Magaran karo Hadalkaasi waxa uu ku yimid”.
Waxa uu sidoo kale ugu maah maahay“Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Sakaaradii Badda ku kaleetiday “Kaadiday”Waxba may dhimine,Nacabkeeda ayay warisay”,Waxa weeyi Puntland,Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh,Kuna Yaraan mayso,Kuna Waynaan Mayso,Puntland Waxa lagu aasaasay Shan Gobol iyo Magaaladda Buuhoodle,Maantana Sagaal Gobol Weeyi,Haddaanu Madaxweynu San aqoon Anaga ayaa barayna Maanta,Sidaasi ayaan u sheegaynaa,hadaawado,Hadhagaysto,Hana barto,Hadduu wax rajo ah ka leeyahay Dalkiisa”.

Comments are closed