|

Madaxweynaha Puntland oo Shir la la qaatay Madaxda laamaha dawlada iyo Nuxurka Arrimaha lagaga wada hadlay

Garowe 19.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta madaxtoyada Puntland taliyaasha iyo saraakiisha laamaha amaanka Puntland.

Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa ka soo qaybgalay, wasiirka amniga Gen. Khaliif Ciise Mudan , Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Sareeye Gaas Siciid Maxamed Xirsi (Dheere), Taliyaha Booliska Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf, labadiisa ku xigeenka Gen.Muxdiin iyo Col.Bille , taliyaasha Booliska Gobollada iyo weliba taliyaasha nabadsugida iyo sirdoonka ayaa dhankooda fadhiyay kulanka.

Xaalada amaanka ayaa warbixin laga siiyay madaxweynaha,  waxana ka dib la galay kulan looga arinsanayay qaabka ugu haboon lee loo sugi karo amaanka maadaama ay soo dhowaatay doorashadii Puntland, islamarkaasina musharaxiintu ololahooda doorasho bilaabayaan.

Ka hortaga falalka amni daro xiliga doorashoyinka ayaa sidoo kale la isla soo qaaday, iyadoona lagu booriyay ciidamada inay si gaar ah u muujiyaan geejignaan falalka amni darro ee khalkhal gelinkara xasiloonida guud.

Madaxweyne Farole oo Arbacadii ku laabtay dalka ayaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan la yeesho masuuliyiinta dowladda iyo qaybaha bulshada rayidka ah, waxnaa si wayn loo hadal hayaa maalmahan Puntland ka mid noqoshada Barlamanka cusub iyo xulista odayaasha dhaqanka.

G9 G8 G7 G6 G5 G4 G3 G2 G1

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed