Madaxweynaha Puntland Oo Qaab Aan Toos Ahayn u Weeraray Musharax Cabdiwali
Garoowe:2-Nov-2013 (SDN)-Iyadoo Lagu Jiro ayaamaha ugu Dambeeya ee Wakhtiga Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, ayuu madaxweynuhu wali sii wadaa inuu Hadallo ka dabo tuuro kooxda isku Bahaysatay inay meesha ka saaraan.
Xaflad Sagootin ah oo loo sameenayay Xildhibaanadii waqtigoodu dhamaaday ee madaxweynuhu kala diray kana dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Garoowe, ayuu madaxweyne Faroole si Dadban ugu weeraray Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimo ee Puntland kuwaasi oo si kulul u cambaareeyey hoggaankiisa, waxaana musharaxiintaasi ka mid ahaa Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas oo hore usoo ahaan jiray Ray’sul Wasaaraha Somaaliya.
Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay dadka sida xun u dagaalamaya ee Musharaxiinta ah in afkooda iyo adinkooda laga nabad galo oo ay joojiyaan Aflagaadada qaawan ee ay Saxaafada Soomarinayan hadii kale wuxuu Faroole ku goodiyay in dalku dastuur leeyahay lugana qaadayo Musharaxa Xeerka Anshaxa iyo kalaamaadka uu Madal kasta oo uu tago, “ Waa wax laga xumaado in Muwaadiniin geeriyootay iyo kuwo hada noolba la aflagaadeeyo meelna loogaga dhaco sharaftooda, taa waxaa kaliya oo samayn kara dad lasoo diray oo burburin u socda ee kuma hadli karaan dad doonaya in ay Puntland Madax ka noqdaan,sidaa darteed kuwa ku dhiiran in ay falalkaasi sameeyaan waxaan leeyahay waa kuwo iclaaminaya in dalku uu dib ugu laabto Jabhadihii hore inkirsanna Nidaamka Dowladnimo ee Puntland ay ku tilaabsatay,”.
Hadalkan ayaa dadka intiisa badan waxay u Fasirteen in Madaxweynuhu uu u jawaabayo mudane Gaas oo hore u sheegay in Puntland ay gacanta u gashay Alcolis, hadalkaas oo dalka intiisa kale si wayn ugu faafay micnayaal kala gedisnna yeeshay taasoo dareen ahaan uu Faroole ugu gudbinayo Gaas hadii dacaayadaasi ay sii socoto in Dastuurka lagu qaadi doono qaybta anshaxa ayna suura gal tahay in aanu ka qayb galin Doorashooyinka soo socda ee Loo Tartamayo.
Madaxweyne Faroole oo muddo soo Xukumayey ayaa ay cadaadisyo waaweyni kaga imanayaan koox u taagan inay madaxtinimada ka tuuraan oo ay kala wareegaan, waxana labada dhinac is weydaarsanayaan Hadallo kulul oo qoloba qolada kale eedaynayso.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com