Madaxweynaha Puntland Oo Cafis Madaxweyne u Fidiyey 120-Maxbuus Oo Jeelasha ku Jirey
Garowe:July,28,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa la sheegayaa inuu Munaasibadda Ciida aawadeed Cafi u fidiyey Maxaabiis tiro badan oo ku xidhnayd Jeelasha Maamulkiisa.
Madaxweynaha ayaa waxa uu cafis u fidiyay 120 maxaabiis, waxa ayna wararku sheegayaan in Madxaweynaha uu Maxaabiistaasi u daayay farxada ciida awgeed.
Taliyaha ciidanka asluubta Puntland sareeye guuto Cali Nuur Cumar oo sheegay in madaxweynuhu ku cafiyay maxaabiistan xeer madaxweyne oo sumadiisu ahayd Lr.107, kaas oo maanta ku taariikhaysnaa.
Maxaabiistan ayaa taliyuhu sheegay inay uxirnaayeen dambi fudud. Isagoo sheegay inaan cafis loo fidin kuwa u xidhan dambiyada Alshabaabnimada iyo budh-cadbadeeda, balse ay kuwani ka duwan yihiin.
Wuxuu sheegay maxaabiistan in loo cafiyay munaasabada ciidul fidriga awgeed si buu yidhi ay ula damaashaadaan qoysaskooda oo mudo isugu dambeysay.
Waxaa kale oo uu sheegay inay qaar kamid ah dadka la siidaayay la siiyay oo la baray xirfado kala duwan islamarakana qaarkood ay ku biiridoonaan ciidanka asluubta Puntland.
SDN/QJ