|

Madaxweynaha Puntland oo Bosaaso ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya

BOSSASO (QJ) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Boosaaso ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Michael Nithavrianakis.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siciid Deni oo ay weheliyaan xubno iyo saraakiil ka tirsan dawladda Puntland, uu kulan la qaatay Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Michael Nithavrianakis oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan safaaradda. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari.

War saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in UK ay ku ammaantay dadaalka Puntland ay ugu jirto howlgalka ka dhanka ah Daacish, taasi oo muujineysa in UK ay ku biirtay howlgalkaasi oo ay horey u taageeri jireen Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta. Dalalkan ayaa taageero dhanka cirka ah siiya ciidamada difaaca Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.

“Kulanka oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan dawladda ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la dagaalanka argagixisada Puntland, taas oo ay dawladda Ingiriisku aad u amaantay, sidoo kale waxaa laga wada hadlay xoojinta wada shaqaynta UK iyo Puntland, mashaariicda horumarineed ee dawladda Ingiriisku ka fulinayso Puntland, iyo xaaladda guud ee Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada dawladda Puntland.

Comments are closed