Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland aysan Dhulkeeda cidna marti uga ahayn,wuxuuna iswaydiiyay waxa loola jeedo maamulka Mudug iyo Galagaduud {DHAGAYSO}
Garowe 12.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’’ ayaa sheegay in Beesha Caalamku ay wado talaabo ay ku dhexdhexaadinayso Dowlada Puntland iyo Federaalka.
Waxaa Sidoo kale uu Dr Gaas ka Hadlay Qabsashadii Idaacada iyo Telefishanka Maamulkiisa ‘’Waxaan maqlayay dad Mas’uuliyiin ah oo si aan Laaqi ahayn uga hadlayay Idaacadaha iyo Telefishanada,laakiin annaga Mawqifkayagu wuxuu ku dhisan yahay Soomaali oo Federaal ah,Soomaali oo ku dhaqanta Dastuurka’’Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland
Wuxuu intaas ku daray‘’Dastuurku waa heshiis Bulsho oo la samaystay,isaga marka in la jabiyo ama la Rifo ama wax laga badalo iyadoo cidii dhigatay aysan u dhamayn waa Mas’uuliyad daro iyo meel ka dhac,waxaan rabnaa in wax kasta oo la dhisayo in lagu saleeyo Dastuurka la wada samaystay’’.
Dr. Gaas ayaa sheegay in haddii Dowlada Muqdisho ay samayn waydo isbadal Siyaasadeed,in Puntland ay qaadayso talaabada xigta
‘’Mawqifka Puntland waa cad yahay,hadana haddii isbadal ka iman waayo dhankaas waxay noqonaysaa in talaabada ku xigta ay Xukuumaddu qaadato,laakiin marnaba gorgortan laga gali maayo jiritaanka Puntland iyo waxkasta oo wax u dhimaya Midnimadeeda iyo Saaxada Dhulka ay ku fadhido’’Ayuu yiri Dr. Gaas.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA MADAXWEYNE GAAS
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Gaas12.mp3″]
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com