Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in indeergardka Puntland taageeraan Daacish
Bosaaso (QJ) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay khudbad ka jeediyay dadaallada ka dhanka ah argagixisada, ayaa daboolka ka qaaday in magaalooyinka Puntland ay ku sugan yihiin Odayaal dhaqameed, Ganacsato, Culumaa’udiin gacan saar la leh kooxda Daacish (Daacish).
“Waxaan rabaa in aan halkan fariin uga diro shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Puntland ee la shaqeeya kooxda argagixisada ah ee Daacish, kuwa ku sugan magaalooyinka aan sida tooska ah ugu lug lahayn furimaha dagaalka balse taageero, dhaqaale, shaqaaleysiin iyo xitaa ganacsi u furaya kooxdan.
“Waxaan ugu baaqayaa shaqsiyaadkaas in muddo 7 habeen ah ay la soo xiriiraan Hay’adaha amniga, oo ay faraha kala baxaan howlahaas, oo ay si cad u caddeeyaan in ay ka baxeen, liiskoodana waan haynaa, magacyadoodana waan ognahay, waxaana uga digayaa in haddii ay ku soo bixi waayaan 7-da maalmood gudahooda in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
“Shaqsiyaadkan ayaa isugu jira qaar ka mid ah isimada, culumaa’udiinka, iyo ganacsato, sidoo kale waxaa jira dad magac ku leh bulshada dhexdeeda oo aanan halkan magacyadooda ku xusi doonin, waxaan rabnaa inaan fursadan siino, Allaah kaliya ma khaldamo, qofkii ka towbad keena qaladkiisa dowladda ayaa cafin doonta,” ayuu Deni hadalkiisa raaciyay.