|

Madaxweynaha Punt land oo Kormeer Maanta ku Tagay Xarunta Ciidanka Bada Sawiro

Garowe 04.June 2014 (SDN/QJ)- Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo qaar ka mid ah xukumadiisa ayaa maanta oo arbaco ah 4.June.2014 waxa uu socdaal gaaban ku tagay xarunta ciidanka badda Puntland ay ku lee yihiin duleedka magalada Bosaso.

Socdalkan Dr.Gaas waxaa ku weheliya Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Somalia Cabdiwahaab Ugaas Khaliif iyo qaar ka mid ah saraakiisha amniga Puntland waxayna soo kormeereen xarumaha ay ka kooban tahay xarunta PMPF oo ku taala deegaanka Qow.

Madaxwayne Gaas ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidankan wuxuna kala hadlay xaalada ciidanka iyo sida ay shaqadda u socota.

Socdaal kan ayaa kusoo aadaya ka dib markii uu madaxwayne Gaas magalada Bosaso Isniintii lasoo dhafay kaga dhawaaqay xeebaha Puntland inay ka jiraan kallumaysi sharci daro ah oo lagu tilmaamay inay tahay masiibo qaran.

Madaxwaynihii hore ee Puntland DR.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa ciidanka PMPF aasasay taasoo ku timi baahi badan oo xiligaasi loo qabay iyo sidii loola dagaalami lahaa Burcad badeeda saamaynta xun usoo jiiday Soomaaliya.

Waxana ciidankan taakuleeya dowladda Imaaraadka Carabta agaasimihii hore ee ciidanka badda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Farole ayaa dadaal dheer usoo galay sidii loola dagalami lahaa burcad badeeda xarunta ka dhigtay Puntland wuxuna Maxamed Farole ku guulaystay xiligii uu xilkan hayay soo furashada bad maaxayaal ay gacanta mudo badan ku hayaan burcad badeeda.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed