Madaxweynaha Punt land iyo Dhigiisa Gal Mudug oo Gaalkacayo Kulan ku wada qaatay
Gaalkacayo 17.April 2014 (SDN)- Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta magalada Gaalkacyo kula shiray dhigiisa Galmudug Cabdi Xasan Qaybdiid.
Kulanka oo ka dhacay aqalka Dr.Gaas uu ka degan yahay magalada Gaalkacyo ayaa waxaa la isku waydaarsaday qodobo ka hadlaya arrimaha Gobalka Mudug gaar ahaan ka wada shaqaynta dhanka ammaanka.
Madaxwayne Gaas ayaa sheegay inuu muhiim yahay ka shaqaynta hormarka Gaalkacyo iyo sidii la isaga dhicin lahaa cid kasta oo dhibaatadda Mudug ka shaqaysa.
Gaalkacyo ayaa waxaa mamulo Puntland & Galmudug waxana inta badan ka dhaca rabshada saamayn ku yeesha ammaanka waana tan labada madaxwayne ay maanta ka wada hadleen.
Guddi xal rasmiga kasoo gaara arrimaha ay labada mamul isku khilaafaan oo ay ugu horaysa dhanka ammaanka ayaa la sheegay in dhowaan lagu dhawaaqi doono.
Madaxwaynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu dhigiisa Puntland la qaatay wuxuna balan qaaday inuu wax ka qaban doono arimaha shirka looga wada hadlay.
Dhowaan booliska labada dhinac ayaa sheegay inay si wada jir ah amniga Gaalkacyo u wada sugayaan waana tilaabo lagu tilmaamay inay wax badan ka badali doonto Amni xumida Magalada.
Gaalkacayo SDN.