|

Madaxweynaha oo Xadhig ka jarid iyo Kormeer guud ku tegay Dhismayaal ay Dawlada Kuwait ka hirgelisay Caasimada Somaliland SAWIRO

Hargeysa 07.Nov 2015 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa saaka xadhiga ka jaray Xarunta Agoomaha ee ay maalgelisay Dawlada Kuwait,  dhismahan ayaa gaar u ah hablaha agoomaha ah iyadoo ay hore uga hirgeliyeen Caasimada Hargeysa dhisme u gaara wiilasha.

 

Xadhig ka jaristaas ka dib waxaa  madaxweynaha  halkaasi warbixino  ku saabsan  Dugsiyada Kuwait Charity Academy lagana maal geliyey Xafiiska sekeda ee Dawlada Kuwait  sidoo kalena waxaa uu madaxweynuhu qol-qol u soo booqday xaruntaas agoomaha ee hablaha lagu daryeeli doono, ka dib markii uu soo dhameeyey Kormeerkaasi wuxuu ka qeyb galay Xaflad balaadhan oo lagu qabtay Xarunta Kuwait Charity Academy.

 

Munaasibadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socotay dawlada Kuwait islamarkaana gadhwadeen ka ahaa Mashruucan kheyrigaa ee lagu dhisay xarunaha agoomaha,  ugu horaynba waxaa halkaas hadal ka jeediyey Ibraahim Nuur Jaamac oo ku hadlaayey maamulka Gacan ku haynteeda leh dugsigaasi isaga oo madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyey inuu kala soo qeyb galo furitaanka Xaruntii labaad ee agoomaha oo dawlada Kuwait ugu deeqday dawlada Somaliland .

 

Maareeyaha xafiiska samafalka Somaliland Aamina Maxamuud Diiriye oo iyaduna halkaas ka hadashay ayaa aad ugu mahad celisay dawlada Kuwait mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyeen wadanka Somaliland, sidoo kalena waxaa mahad balaadhan u celisay Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Siilaanyo oo aanay la’aantii suura galeen mashaariicda horumarineed ee wadanka ka fushay, sidoo kale waxaa ay mahad taasi la mida u celisay Marwada Madaxweynaha JSL Marwo Aamina waris Sh. Maxamed Jirde oo ay ku amaantay sida ay ugu hagar baxdo agoomaha iyo danyarta.

 

Sacad Al-cutaybi oo  ku hadlaayey afka dawlada Kuwait oo munaasibadaas ka hadlay ayaa ugu horaynba u mahad celiyey Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Siilaanyo ka soo qeyb galkiisa munaasibadan waxaana uu sheegay in mashruucan kheyrigaa loogu talo galay in lagu daryeelo ubadka agoontaa kuwooda danyarta ah islamarkaana ay fulisay dawlada kuwait iyadoo kaashanaysa Xafiiska sekeda.

 

Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafka JSL Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa Dawlada Kuwait ku amaanay doorka horumarineed ee ay ka qaadatay dhismayaasha dugsiyada lagu xanaanaynayo ubadka agoontaa, sidoo kale wuxuu xusay  in sanduuqa sekeda ee Dawlada kuwait Somaliland ka fuliyey mashaariic kheyriya islamarkaana ay dawlada Somaliland uga mahad celinayso waxtarkaas balaadhan dhigooda walaalaha muslimiinta ah ee dawlada kuwait.

 

Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Siilaanyo oo ugu dambayntii halkaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in mashruucan dhismayaasha dugsiyada Kuwait Charity Academy uu shacabka somaliland ugu fadhiyo qiimo weyn, sidoo kalena ay u mahad celinayaan Dawlada Kuwait, waxaana halkaas uu Madaxweynaha lagu Gudoonsiiyey abaalmarino ay masuuliyiinta Kuwait isaga ugu talo galeen, halka uu isna gudoonsiiyey shahaado sharafyo uu ku maamuusay masuuliyiintii ka socotay Dawlada Kuwait ee goobta ku sugnaa.

 

Dhanka kale Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Siilaanyo  waxa uu xadhiga ka jaray dhismayaal cusub oo lagu soo kordhiyey  qeybaha kala duwan ee Cusbitaalka International ee  Magaalada Hargeysa, sidoo kale wuxuu indha-indhayn ku sameeyey dhamaan qeybaha kala duwan ee uu Cusbitaalku ka kooban yahay. Cusbitaalkan ayaa ah mid lagu daaweeyo Caruurta wax ka barata dugsiga Kuwait Charity Academy sidoo kalena loogu adeego buslahda kala duwan ee somaliland.

DSC_0001 DSC_0005 DSC_0007 DSC_0009 DSC_0016 DSC_0020 DSC_0031 DSC_0033 DSC_0037 DSC_0053 DSC_0057 DSC_0065 DSC_0069 DSC_0085 DSC_0090 DSC_0094 DSC_0097 DSC_0102 DSC_0105 DSC_0112 DSC_0113 DSC_0117 DSC_0121 DSC_0124 DSC_0126 DSC_0131 DSC_0136 DSC_0159 DSC_0161 DSC_0163 DSC_0170 DSC_0173 DSC_0182 DSC_0184 DSC_0192 DSC_0196 DSC_0206 DSC_0219 DSC_0222 DSC_0225 DSC_0231 DSC_0233 DSC_0236 DSC_0246 DSC_0251 DSC_0252 DSC_0257 DSC_0260 DSC_0265 DSC_0277 DSC_0290 DSC_0292 DSC_0295 DSC_0299 DSC_0304 DSC_0307 DSC_0308 DSC_0311 DSC_0323 DSC_0326 DSC_0331 DSC_0339 DSC_0344 DSC_0349 DSC_0350 DSC_0358 DSC_0359 DSC_0371 DSC_0373 DSC_0375 DSC_0377 DSC_0380 DSC_0386 DSC_0388 DSC_0395 DSC_0396 DSC_0401 DSC_0409 DSC_0412 DSC_0415 DSC_0421 DSC_0425 DSC_0427 DSC_0445 DSC_0456 DSC_0465 DSC_0467 DSC_0470 DSC_0478 DSC_0502 DSC_0505 DSC_0506 DSC_0507 DSC_0523 DSC_0528 DSC_0532 DSC_0535 DSC_0540 DSC_0546 DSC_0550 DSC_0551 DSC_0554 DSC_0558 DSC_0561 DSC_0565 DSC_0572 DSC_0576 DSC_0593 DSC_0596 DSC_0606 DSC_0611 DSC_0615 DSC_0626 DSC_0629 DSC_0640 DSC_0649 DSC_0660 DSC_0666 DSC_0674 DSC_0679 DSC_0697 DSC_0703

Comments are closed