|

Madaxweynaha oo shacabka Somaliland iyo guud ahaan Muslimiinta ku hambalyeeyay munaasibadda Ciidul-Axda

Hargeysa 25, October 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dhamabaal hambalyo ah u diray shacabka Somaliland iyo guud ahaan umadda Islaamka, munaasibadda Ciidul-Axdaha darteed.

Sida lagu sheegay dhambaal kooban oo afhayeenka Madaxtooyada Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul ku saxeexnaa, Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu u duceeyay Xujaajta maanta taagan buurta Carafa, wuxuuna dhambalkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland  oo ku hadlaaya magaciisa, magaca golayaasha kala duwan ee qaran, iyo guud ahaanba magaca shacbiga Somaliland, meel kastay joogaan wuxuu hambalyo iyo boogaadin ku saabsan munaasibada islaamigaa ee weyn, ee Ciidal Axda u diraya hambalyo guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana shacabka reer Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu illaahay ka rajeeyey in malaayiinka islaamka ah ee taagan yoomal carafa ducadooda inoo aqbalo,  illaahayna wada jirkooda iyo nabadoodaba uu  kor u qaado .

Shacabka Somaliland-na sanadkan kiisa kale ay ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.”

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed