Madaxweynaha Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Xildhibaan Cabdiraxmaan TALYANLE Oo Hindiya Ku Geeriyooday
Hargeysa 28. September 2017 (SDN/QJ):- Alle ha u naxariistee waxa habeen hore Dalka Hindiya ku Geeriyooday Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland.
Marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta Qunyar socodka ah oo Maalmihii u dambeeyay Xaalad Caafimaad u joogay Dalka India ayaa habeen hore ku Geeriyooday halkaasi, wallow aan la sheegin Xanuunka uu Alle sababta uga soo dhigay Geeridiisa.
Marxuumka oo muddo dheer ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, horena Xilal uu Maareeyaha Madbacadda Qaranku ka mid tahay uga soo qabtay Somaliland, ayaa Geeridiisa waxa Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), sida lagu sheegay dhambaal ka Wargeyska Himilo ka soo gaadhay Madaxtooyada Shalay.
Dhambaalka Tacsida ah ee Madaxweynaha ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi tiraanyo leh u dirayaa, Golayaasha Qaranka, Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyaanle) oo ku geeriyooday dalka Hindiya xalay (Habeen hore) niskii danbe oo ay taariikhdu ahayd 27/09/2017.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi, aqoonyahan ah door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii beelaha Somaliland ku wada nool, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii kala danbeeyey ee soo maray Somaliland, mudooyinkii u danbeeyeyna waxa uu ka mid ahaa 82-ka xildhibaan ee golaha wakiilada Somaliland ka kooban yahay, iyadoo lagu xasuusan doono kaalintii geesinimada lahayd ee uu la barbar taagnaa marwalba jiritaanka qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu waxwalba ka horaysiin jiray.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.