Madaxweynaha oo kulan la qaatay safiirrada Muqdisho ka howlgala iyo arrimaha laga wada hadlay
Muqdisho 01.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kulan xafiiskiisa kula yeeshay qaar ka mid ah safiirrada ka howlgala magaalada Muqdisho iyo wakiillo caalami ah.
Madaxweynaha oo casuumay diblomaasiyiinta ayaa uga warbixiyay xaaladda dalka iyo shirkii dhowaan magaalada Addis Ababa ay dowladda kula yeelatay maamulka Jubba, kaas oo lagu heshiis lagu gaaray.
Xasan Sheekh ayaa ka codsaday beesha caalamka inay taageeraan natiijadii shirkii Addis Ababa.
Wuxuu kaloo codsaday in caalamka uu gargaaro shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo iyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Madaxwaynaha wuxuu diblumaasiyiinta warbixin ka siiyay shirka 16-ka bishan ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium.
Diblumaasiyiintii uu madaxwayna qaabilsay waxaa ku jiray ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com