Madaxweynaha Nageria Muhammadu Buhari oo dalkiisa dib ugu laabtay kadib bilooyin uu ka maqnaa
Abuja 20. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Nageria Muhammadu Buhari ayaa dib ugu laabtay dalkiisa hooyo , kadib mudo sadex bilood ah oo ku sugnaa dalka Britain oo xaalad caafimaad uu u joogay.
Muhammadu Buhari ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Abuja , waxaana halkaasi uga hor tagay si diirana ugu soo dhaweeyay Madax katirsan dowlada Nageria iyo masuuliyiin kale.
Waxaa sidoo kale wadooyinka magaalada Abuja isugu soo baxay taageerayaasha Madaxweynaha kuwaa oo si weyn ugu faraxsanaa in Madaxweynaha dalka kusoo laabto ayna soo hagaagtay xaaladiisa caafimaad.
Madaxweynaha Nageria ayaa sadexdii bilood ee lasoo dhaafay ka maqnaa dalkiisa, waxaana Madaxweynaha uu ku sugnaa magaalada London oo daaweyn uga socotay, waxaana xaalada caafimaad ee Madaxweynaha hada ay tahay mid soo hagaageysa.
Dalka Nageria ayaa waxaa ka dhacay banaan baxyo looga soo horjeeday maqnaashaha dabo dheeraaday ee Madaxweyne Buhari , waxa ayna dadka qaar dalbanayeen in uu xilka isaga dego Madaxweynaha maadaama dalka uu ka maqnaa mudo dheer.