|

Madaxweynaha Masar oo ka hadlay hubka uu Soomaaliya siiyay

Qahira September -Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah El-Sisi ayaa sheegay in taageerada Masar ay siiso Soomaaliya aysan la xiriirin khilaafka ka dhaxeeya Itoobiya iyo Masar balse uu yahay mid lagu doonayo in Soomaaliya ay dib usoo ceshato xasiloonida.

14-kii Agoosto, Masar iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen hab-maamuus iskaashi ciidan. Iyadoo loo marayo hab-maamuuska, Qaahira waxay Soomaaliya ku siisay gargaar milateri si loo taageero loona xoojiyo awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

“Tallaabadan waxay qeyb ka tahay taageerada Masar ay siiso Soomaaliya si loo gaaro amni iyo xasillooni, la dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta madax-bannaanideeda, midnimadeeda, iyo dhulkeeda,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay todobaadkii hore wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

Xiisadda Geeska Afrika ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo bishii Janaayo markii Somaliland ay ogolaatay in 20 kiiloomitir oo xeebteeda ah ay Itoobiya ka kireyso muddo 50 sano ah, iyada oo ku bedelaneysa Aqoonsi buuxa.

Masar ayaa marar badan ku celisay mowqifkeeda adag ee ay ku taageereyso midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya.

Masar iyo Itoobiya ayaa waxaa u dhexeeya muran soo jiitamayay oo ku saabsan biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ee wabiga Niil, iyadoo Addis Ababa ay diiday inay saxiixdo heshiis sharci ah oo ilaalinaya xuquuqda biyaha Masar iyo baahida.

Leave a Reply