Madaxweynaha Maraykanka oo Taageersanaa in Xidhiidhka Loo Jaro Qatar,Midabada Laba Wejiilaynta ah ee uu Isticimaalayo Iyo Xidhiidh Kale oo uu La Sameeyay Boqorka Sucuudiga!!!
Washington 09. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump Ayaa Wada Hadal Dhinaca Telefoonka Ah La Yeeshay Boqorka Dalka Sacuudiga Si Uu Ugala Hadlo Khilaafka Soo Kala Dhexgalay Wadamada Khaliijka Kadib Markii Dhowr Dowladood Ay Xidhiidhka U Jareen Dalka Qatar Oo Ay Ku Eedeeyeen In Ay Argagaxisada Taageerto.
Donald Trump Ayaa Hore U Taageeray Tallaabada Ay Sacuudiga Iyo Dalalka Kale Ee Khaliijka Iyo Masar Ay Ka Qaadeen Dalka Qadar.
Sarkaal Mareykan Ah Ayaa Wakaaladda Wararka Ee (Reuters) U Sheegay In Farriinta Trump Ee Telefoonka Uu Ku Gaadhsiiyey Boqorka Sucuudiga Ay Ahayd In Midnimada Gobolka Ay Muhiim U Tahay La Dagaalanka Afkaarta Xagjirnimada Iyo Maal-Gelinta Argagixisada.
Trump Ayaa Hore U Sheegtay Mas’uuliyadda Cadaadiska Ka Dhanka Ah Dalka Qadar, Waxaanuu Sheegay In Durbaba Ay Midho Dhal Noqotay Booqashadii Uu Dhawaan Ku Tegay Dalka Boqortooyada Sucuudiga.
Balse Aqalka Cad Ee Mareykanka Looga Taliyo Ayaa Dhammaan Dhinacyada Ay Arrintani Khuseysa La Wada Xidhiidhay Oo Isku Dayay In La Xalliyo Muranka U Dhaxeeya Waddamada Xulufada La Ah Mareykanka.
Madaxweyne Trump ayaa dhanka Kale waxa uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay qoraal u dhignaa Sidan sawirka hoose ka muuqata .
During my recent trip to the Middle East I stated that there can no Longer be funding of redical ideology leaders pointed to Qatar look.
‘’Intii aan safarka Dhawaan ku marayay bariga dhexe ayaan sheegay in aysan mar kale noqon Maalgelinta Madaxda Fikradaha Xagjirka Tilmaamay in la Qatar aynu eegno’’