|

Madaxweynaha Maraykanka Oo Shaaciyey Go’aamo Ka Nixiyey Ganacsatada Waddankiisa Oo Deegaanka Ku Saabsan

Washington:Aug,03,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Obama, ayaa shaaciyey qorsheyaal wax lagaga qabanayo cimilada Dalkiisa, taas oo aan farxad gelinin ganacsatada, isla-markaana horseedaysa in la joojiyo waxyaabo badan oo ay lacago ka helaan.

barcObama ayaa sheegay in saacadaha dhow Madaxtooyada ay shaaca ka qaadi doonto waxa uu ugu yeedhay talaabadii ugu wayneyd uguna muhiimsaneyd ee lagu xalinayo isbadalka cimilada.

Waxa uu sheegay in talaabadani ay xadideyso saamiga Dowlada, waxa uuna cadeeyay in la jari doono gaaska gala hawada ku dhawaad soddon boqolkiiba shan iyo toban sano gudahood.

Ujeedka ayuu ku sheegay in xooga la saari doono tamarta laga helo qoraxda iyo dabaysha iyo tamaraha kale ee nadiifta ah, si wax looga bedelo Cimilada dalka.

Ganacsatada iyo dadka qaar ee dalkaasi kasoo jeeda ayaa iyagu qaba in qorshahani cusub uu Obama ku cuuryaaminaayo daqliga Ganacsatada.

Waxa ay qabaan in Madaxweynaha uu dagaal adag la galay tamarta dhuxusha, taasoo ah soddon boqolkiiba in ka badan meesha ay ka timaaddo tamarta uu Maraykanka u baahan yahay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed