Madaxweynaha Maraykanka Oo Khudbad-sanadeedkiisa ku soo Daray Arrimo Ku Saabsan Somalia
Wanshinton:29-Jan-2014 (SDN)-Madaxweynaha Waddanka Maraykanka Barack Obama ayaa Khudbaddiisa “State of The Uninion” oo uu Saacado ka Hor soo Gebogebeeyey ku soo Daray Arrimo ku saabsan Somalia.
Madaxweyne Obama, ayaa Khudbadiisan Sanadlaha ah oo uu kaga Hadlayey Arrimo badan oo Caalamka ku Saabsan ku soo hadalqaaday Mushkiladaha ka Taagan somalia iyo Hannaanka Maraykanku ula Macaamilo waxa ka soo kordha.
Madaxweynaha ayaa si kooban khudbaddiisa ugu soo qaatay Soomaaliya, wuxuu sheegay dowladiisa in ay sii labo laabi doonto dagaalka ay kula jirto argagixisada oo intii muddo ahayd sal ka Dhigay Meelo ay Somalia ka Mid tahay.
Wuxu ku celceliyay in ay khatar weyn ka soo socodaan waddamada Yemen, Somalia, Iraq iyo Mali, isagoona intaas ku daray in badhtilmaameedsan doonaan kooxaha argagixisada ee ku sugan waddamadan.
Obama, ayaa adeegsiga diyaaradaha Drone-ka ku qeexay inay beddel wanaagsan u tahay inay ciidamada Mareykanka ku lug yeeshaan dagaallo la mid ah kuwa Ciraq iyo Afghanistan.
Maraykanka ayaa dhawaan weerar dhinaca cirka ka fuliyay dalka Soomaaliya, iyagoona ku dilay xubin sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Maraykanka waxaa kaloo uu sheegay dhawaan in ciidamo tiro yar ay ka joogaan magaalada Muqdisho kuwaasoo taallo bixin siinaya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda.
Arrinta kaliya ee madaxweyne Obama sida muuqata uga Hadlay ee ku saabsan Somalia ayaa ah midda La Dagaalanka lagula Jiro Kooxda Al-shabaab, balse ma uu soo Hadal qaadin Macaamilka Siyaasadeed ee Dawladiisu la Leedahay Dawladda Federlka Somalia iyo inay wax taageero ah oo ay kooxahan kula dagaalanto siinayso.
S.D.N