Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo Safarkiisii Kowaad ee Mudada Xil Hayntiisa Ku Soo Gaadhay Sucuudiga
Riyadh 20. May 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa booqashadiisii ugu horeesay oo dibadda ah waxa uu maanta ku tagay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Boqorka Sacuudiga iyo Madax kale oo katirsan Boqortooyada dalkaasi.
Donald Trump ayaa Sacuudiga uga qeyb gali doona Shir ay leeyihiin Hogaamiyaasha Jaamacada Carabta , waxaana kulankaasi looga hadli doonaa arimo badan ay kamid tahay xaalada Bariga Dhaxe iyo la dagaaalanka Kooxda Daacish.
Shirkan waxaa ka qeyb galaya Hogaamiyaal badan oo katirsan Madaxda Jamaacada Carabta, waxaana kulanka kadib la filayaa in lasoo saaro War Murtiyeed ku aadan natiijada kasoo baxday Shirkan ka furmaya Sacuudiga.