Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo La Kulmay Guuleed Aadan Cabdi, Oo Ah Wiil Yar Oo Reer Buuhoodle Ah Oo Ilaahay Hibo Hal-Abuurnimo Siiyay SAWIRRO
Garowe,4Jan,2015(QJ/SDN)-Guuleed Aadan Cabdi waa wiil da’yar oo jira 13-sanno oo dhigta fasalka saddexaad ee dugsiga, waxa uu ku dhashay Degmada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn halkaas oo uu wax-barashadiisa kasii wato.
Guuleed waxaa uu Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka hortooda kusoo bandhigay gawaadhi, iyo Diyaarado uu isagu iktiraacay oo maskaxdiisa ka keenay, Gawaadhid ayaa isugu jira nooca Xammuulka qaada ee loo yaqaan Waaraadka, Bajaaj, Ika-rogada ciidda iyo dhagaxa gurta, iyo Diyaarad.
Sidoo kale gaadiidkan uu guuleed sameeyey waxa u dhammaystirnaa dhammaan agabkii looga baahnaa hadday ahaan lahayd Taayirada, kuraastii, indhihii ama laydhadhkii, dhigihii alaabta lagu xirilaha, codkii ama hoonkii, iyo dhammaan wixii uu gaadhi u baahnaa.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa intaasi kadib waxaa uu ugu horrayn ilaahay uga baryey cimrigiisa inuu u barakeeyo, aqoontiisana uu usii siyaadiyo, waxaana uu ku tilmaamay madaxweynuhu arrintani inay tahay mid layaab badan marka loo eego wiilka da’diisa iyo maskaxdiisa.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku dhiiri geliyey guuleed inuu dedaalo wax-barashadiisana uu ka miradhaliyo oo aanu joojin hal-abuurkiisa iyo hirgelinta fikradaha cusub ee ka dhex guuxaya maskaxdiisa.
–DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND