|

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas Oo Safar Ugu Kicitimay Dalka Kenya.

Garowe,19july,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Maamulka Puntland mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ugu kicitimay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in m/weyne Gaas uu halkaasi kula kulmi doono madaxda wadankaasi Kenya. Madaxweyne Puntland oo saxaafadda u waramay intii uusan gegida ka duulin ayaa sheegay in safarkiisa uu yahay mid howleed oo uu ku soo wanaajinayo xidhiidhka u dhexeeya Puntland iyo Kenya.

M/daxweynaha waxa uu sidoo kale yidhi: ”In sha’allah waxaan rajeynayaa inuu noqdo safar kheyr qaba oo guul noogu soo dhammaada , waxaan ku dardaarmayaa in dadka reer Puntland nabadooda, horumarkooda iyo wanaagooda xajistaan ” ayuu yidhi Gaas.

”Beryahaan waxaa nala joogay welina nala joogaya raysal-wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynaha dawladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, wada hadaladii aanu yeelanayna waxaa ay ahaayeen kuwo mira dhalay ” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

Waxaa safarka shaqo ku wehlinayey madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey , wasiiro, xildhibaano, waxgarad, aqoonyahan , dhalinyaro iyo masuuliyiin kale ayaa madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaaminayo ku sii sagootiyey garoonka diyaaradaha ee magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

 

Comments are closed