Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt land oo ku sii Jeeda Magaalada Kismaayo
Garowe 10.Jan 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta la filayaa inuu u duulo dhanka iyo Magaalada Kismaayo.
Kulan ay wada qaateen Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Madaxweyne Gaas ayaa lagu go’aamiyey in Kismaayo la isugu tago inkastoo Madaxweynaha Federaalku ku adkeystay markii hore in shirka dib loo dhigo maadaama aan wali la xalin Khilaaf ka tagnaa Masuuliyiin diidan ka qayb galka Shirka balse Madaxweyne Gaas iyo Beesha Caalamka ayaa ku adkeystay in uu shirku dhaco.
Aakhirkii waxaa la isugu yimid in Kismasyo la tago uuna shirku hal maalin dib u dhaco taasoo macneheedu yahay inuu shirku furmo 11 Bishan January oo beri ku beegan.