Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo Maanta u ambabaxay Itoobiya
Garowe 23.Feb 2014 (SDN)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.
Waa safarkii ugu horreeyay ee madaxweyne Cabdiweli Gaas uu ugu ambabaxo dalka dibaddiisa tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Puntland horraantii sanadkan.
Cabdiweli Gaas oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa sheegay inuu casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Itoobiya.
Wuxuu sheegay inuu kulamo la qaadan doono qaar ka mid ah madaxda dowladda Itoobiya, iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka u dhaxeeya Itoobiya iyo Puntland, nabadgelyada gobolka iyo xoojinta xiriirrada ganacsiga iyo wax wada qabsiga.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com