|

DP World Oo Heshiis Ku Kacaya 336 Milyan La Saxeexatay Maamul-gobolleedka Puntland DAAWO

Dubai 07. April 2017 (SDN/QJ):- Maamul-gobolleedka Punland ayaa heshiis ku kacaya $ 336 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah  la saxeexday Shirkadda DP world ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta, kaasi oo Shirkaddu Muddo 30 Sannadood ah ku maamulayso Dekedda Boosaaso.

 

Qodobbada Heshiiskan waxa ka mid ah in Shirkadda DP World Magaalada Boosaaso ka dhisto Deked cusub oo ballaceedu yahay 450 Mitir, joogeeda hoose-na yahay 12 Mitir isla-markaana la Casriyeeyo Dekeddii hore.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa  Wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka badda Siciid Maxamed Raage iyo guddoomiyaha barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Comments are closed