|

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punt land oo ku soo Fool leh Magaalada Garowe

Garowe 29.March 2014 (SDN)- Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali ayaa maanta 29.March.2014 kasoo anbo baxay magalada Bosaso oo maalmihii lasoo dhaafay uu kulamo kala duwan kula yeeshay shacabka Gobalka Bari.

IMG_2548Wararka soo gaaraya Qurbejoog  ayaa sheegaya madaxwaynaha Puntland inuu soo afmeeray socdaalkii iyo kulamadii Gobalka Bari dibna ugu soo laabanayo magalada Garowe.

Inta uu ku sugnaa magalada Bosaso waxa uu Markab dushiisa kula shiray qaar ka mid ah dalalka Yurub iyo wakiilk EU ee Somalia wuxuna kala hadlay sidii Puntland looga taageeri lahaa dhanka hormarka iyo dhaqaalaha.

Waxana la sheegayaa madaxwaynaha inuu furi doono fadhi aan caadiga ahayn ee baarlamaanka Puntland ka yeelanayo miisaaniaydda lagu shaqaynayo 2014-taasoo la sheegay xildhibaanado inay ku kala qaybsan yihin.

Garowe SDN.

Qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed