Madaxweynaha La Doortay oo Kulan La Qaatay Safiirro iyo Diblomaasiyiin ka socda Midowga Reer Yurub iyo Dawladda Ingiriiska DAAWO
Hargaysa 12. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wefti ballaadhan oo ka socda dalalka Midowga reer Yurub, dalka Ingiriiska iyo, kuwaas oo isugu jira safiirro iyo diblomaasiyiin sarsare.
Weftigan oo ay hoggaaminayso Safiirka midowga Yurub u u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Veronique Lorenzo, ayuu madaxweynuhu maanta ku qaabilay gudaha qasriga madaxtooyada, waxana sidoo kale weftiga xubno ka ahaa safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Daved Concar, sariirro diblomaasiyiin ka socda dalalka Denmark, Sweden iyo Switzerland iyo weliba saraakiil sare oo ka socda hay’adda dalka Britain u qaabilsan deeqaha caalamiga ah ee DFID.
Madaxweyne Muuse Biixi oo dhinaciisa kulanka ku wehelinayeen wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, ayey labada dhinac diiradda ku saareen qodobbo door ah oo ku saabsan kor u qaadista iyo dardargelinta xidhiidhka ay Somaliland la leedahay guud ahaan dalalka xubnaha ka ah midowga reer Yurub iyo waddanka Ingiriiska iyo sidii loo abuuri lahaa jawi ay dhinacyadu ku wada shaqayn karaan.
Xubnaha safiirrada iyo diblomaasiyiinta isugu jira, ayaa dhinacooda shaaciyey inay u socdaan ka qaybgalka xafladda lagu dhaarinayo madaxweynaha cusub, isla markaana ay diyaar la yihiin inay si buuxda ula shaqeeyaan madaxweynaha dhawaan la doortay iyo xukuumadiisaba, kana taageeri doonaan dhinacyada maal-gashiga, horumarinta, dhismaha mashruuca weyn ee lagu dhisayo waddada u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale(Berbera Corridor), tayeynta waxbarashada gaar ahaan farsamada gacanta iyo sidii loo dejin lahaa hannaan amaba farsamo ay kusii socon karaan wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa uga mahadceliyey weftigan booqashada ay ku yimaadeen dalka, waxana uu tilmaamay inay ka go’an tahay sidii uu wada-shaqan midho-dhal leh ula yeelan lahaa dalalka midowga reer Yurub iyo Ingiriiska.