Madaxweynaha la doortay ee Masar oo magacaabay Raysal-wasaare cusub oo uu xulashadiisa dhawr todobaad ku hawlanaa
Qaahira 24, July 2012 (SDN)- Madaxweynaha cusub ee dalka Masar, Mohamed Morsi ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Raysal-wasaaraha dalkaas, ka dib markii muddo bil ku dhaw uu xilka hayay.
Ka dib markii Madaxweyne Mursi muddo saddex todobaad ah ku hawlanaa xulashada Raysal-wasaare madax-banaan, waxa uu maanta magacaabay Hashem Kandil oo hore u ahaa wasiirka Macdanta iyo Biyaha.
Raysal-wasaare Kandil waxa uu bedeli doonaa Raysal-wasaaraha ay Milaterigu magacaabeen ee hadda xilka haya.
Siday ku warantay wakaalada wararka ee Associated Press, Hashem Kandil waa nin da’yar oo wax ku bartay dalka Maraykanka, wuxuuna Madaxweynuhu Salaasadii maanta kulan kula yeeshay aqalka Madaxtooyada ee caasimadda Qaahira ee dalka Masar.
Qurbejoog.com, Qaahira