|

Madaxweynaha La Doortay ee Gambia Adam Barrow oo Lagu Dhaariyey Safaarada Gambia ee Senegal & Cabsida Bulshada

Senegal 19. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha la doortay ee dalka Gambia Adama Barrow ayaa maanta sheegay in caleemo saarkiisa lagu qaban doono safaaradda Gambia ee dalka deriska la ah ee Senegal, kadib markii hoggaamiyaha muddada dheer hayey talada Yahya Jammeh uu diiday inuu xukunka ka dego.

 

Waxa uu hadalkan kaga dhawaaqay barta twitter-ka, halkaasi oo waxyar kadib saqdii dhexe ee xalay uu shaaca ka qaaday in madaxtinimadii Jammeh ay si rasmi ah u dhammaatay.

 

“Waagii cusubaa ee Gambia waa uu yimid ugu dambeyn” ayuu yidh Barrow.

Caleemo saarka ayaa markii hore lagu waday in maanta ay ka dhacdo caasimadda dalka Gambia ee Banjul.

 

Barrow ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee dhacday kowdii December.

Jammeh, oo hadda ka hor wacad ku maray inuu Gambia xukumi doono “Balaayiin sano” ayaa markii hore aqbalay natiijada, hase yeeshee waa uu beddelay maskaxdiisa isaga oo tuhmaya qaladaad dhinaca codadka ah.

 

Dalalka deriska la ah Gambia ee Galbeedka Afrika ayaa isku dayaya inay gacan ka gaystaan in xaaladdan la xaliyo,Inkasta oo Ciidamo Tiro Badan ay Soo dhoobeen Xuduuda Gambia ay la Leedahay Sinigaal.

Geesta Kale Waxaa Caasimada Gambia ee Bunjul ka Socda in dadka rayidka ahi ka qaxaan Magaaladaasi iyagoo Cabsi ka qaba Awoodaha dushooda ku hirdamaya.

Comments are closed